Dhageyso: RW cusub Soomaaliya oo balanqaad sameeyay

0
228

Muqdisho(INO)-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali,  ayaa xalay ka qeyb galay xaflad ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan xaruntii hore ee dad dhigista ee gobolka Banaadir.

Cumar-Cabdirashiid-Cali-Sharmaarke

Cumar C/rashiid Cali, ayaa balan qaad u sameeyay dadweyne ku sugnaa goobta xaflada ka dhaceysay, isagoo sheegay in xukuumadiisa ay diirada saari doonto arimaha amaanka.

Halkan Ka Dhageyso

Wuxuu ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan xukuumada cusub ee soo dhisi doono maalmaha soo socda, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka ayaa balanqaaday inuu ka shaqeyn doono sidii loo dajin lahaa xaalada siyaasada dalka Soomaaliya.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here