Baydhabo(INO)-Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-Galinta Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Cabdi Maxamed ayaa shaaciyay in Maamulka Jubba uu burburiyay Heshiis ay wada gaareen labada Maamuul.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay aad ugu xun yihiin dhismaha Baarlamaanka Maamulka Jubba isla markaana waxa uu sheegay in aan lagu dhisin qaab Cadaalad ah Baarlamaankaasi.
” Annagu Weyso Dhooro Meyno, Heeshiiskii waa laga baxey annaguna waan ka baxney” ayuu yiri Ugaas Xasan Cabdi
Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-Galinta Ee Dowladda Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in aysan aqbaleyn ama raali ka noqoneyn qaabka lagu dhisay Baarlamaanka Maamulka Jubba.
Mooshin ka dhan ah Baarlamaanka maamulka Jubba ayaa horyaala Baarlamaanka Soomaaliya,kaasi oo la filayo in cod loo qaado maalinta sabtida ee soo socota.
Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhismaha Baarlamaanka maamulka Jubba halka kuwo kale ay sharci daro ku tilmaameen mooshinka horyaala Baarlamaanka Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo