Afgooye(INO)- Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Dowladda KG Soomaaliya Cabdifatax Maxamed ibraahin Ayaa faah faahiyey kurmeerkii ay ku mareen degmooyinka Ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose isla markaana uu siineyay Madaxweyne shariif xasan ayaa waxaa uu ka hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin la dagaalanka kooxda Al-shabaab, qaadista isbaarooyinkii sharci darada ahaa iyo canshuuraha gobolka Shabellaha Hoose.
C/fataax Maxamed Ibraahim Geesey, Wasiirka Wasaaradda Anmiga ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegey in la qaadey Dhamaan Isbaarooyinkii yaaley Gobolka Shabellaha Hoose.
Sidoo kale Waxa uu tilmaamey Wasiirku in Ciidamada daraawiishta KG Soomaaliya ay qaadeen isbaaroyinkii yaaley Gobolka Shabellaha Hoose, waxa uu intaa ku darey In la bilaalbaayo Ciidamo isku dhaf ah oo ka kala imaanaayo goboladda Shabellaha, Bay iyo Bakool.
C/Fataax Ibraahim, Ayaa sheegey inuu dhamaadey Gacmo gacmeysigii isla markaana waxa uu sheegey in wasaarad Kasta ay bixin doonto Mushahaaraadkeeda Shaqaallaha isla Markaana Shaqaalle kaste uu u doonan doono Gunadiisa.
Ugu dambeyntii C/fataax Maxamed Ibraahim Geeey wuxu kale sheegey in horey ay ugu guuleysteen Isku dhaf ciidan oo ay ka sameeyeen Baydhabo,Qansaxdheere Iyo Degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Afgooye