Hargeysa(INO)- Maamulka Somaliland oo horaantii 1991 sheegey inuu ka go’aan soomaali weyn inteeda kale, ayaa dhawaan amar dul dhigey Shacabka kasoo jeeda Koonfurta KG Soomaaliya, kuwasoo lagu wargeliyey in muddo 7 cisho ah gudahood ay oga baxaan Somaliland.
Hadalka ka soo yeeray maamulka Somaliland ayay dad badan aad ula yaabeen, kaasoo ay shacab barakacayaalka ah oo kasoo jeeda Koonfurta Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaasoo ku dhaqan magaalooyinka iyo Degmooyinka ay cabasho xooggan ka muujiyeen.
Qaar kamid Shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ku dhaqan magaalada Ceerigaabo ayaa Warbaahinta kala hadley maamulka Somaliland, kuwaasoo codsadey in maamulka Somaaliland uu dib u eegis ku sameeyo go’aankaas.
Shacabka reer KG Koonfur Galbeed Soomaaliya ee cabashada muujiyay oo u badnaa dad kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa ugu dambeyn Cabashadooda ku sheegay inaaney macquul ahayn in muddo asbuuc ay kaga baxaan Somaliland, kuwasoo qaarkood sheegay in xaasas iyo carruuro iyo waliba ganacsi ku haystaan.
Si kastaba ha ahaatee tallaabadan uu maamulka Somaliland ku dooneyo in dad u dhashey Soomaali ay dib ugu soo celiyaan Koonfurta Galbeed Soomaaliya ayaa lagu tilmaami karaa mid Caqliga ka weyn oo aan laga fiirsan, isla markaana Bulsho-weynta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto ay aad ula yaabeen, taasoo noqotey hadal hayntii ugu badneyd abid.
Halkan Ka Dhageyso Dood Kulul oo Dhexamreya Labo dhalanyaro ah KGS & Somaliland ah
Idale News Online, Hargeysa