Muqdisho(INO)- Wasiirkii hore Gaashandhiga Ee Dowlada Federalka Soomaaliya C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi oo ku sugan magalada Muqdisho ayaaWaresysi Kuluul oo dhinacyo badan taabanaayo siyey shabakada Warbaahinta Idale News Online.
Wasiirka ayaa ka Hadley xaalada siyaasada Dalka, Madashadii wada tashiga Qaran Ee dhawaan Magaalada kismaayo lagu qabatey, isagoona rajo ka muujiyey in mar kale hogaamiyaasha Soomaalida ay isku noqodaan, isla markaana waxa taagyeerey Nidaamka Abood qiibsiga ee 4.5 oo Shacabka Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay taagyeersan yihiin.
Sidoo kale C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi, Wasiirki hore Ee Wasaaradda Gaashangidha DF Soomaaliya ayaa Cambaareyey Weerarkii Dhiiga badan ku daatey Ee ka dhacey Xeebta Liido Ee Magaalada Muqdisho iyo duqeymaha Ciidamada Dalka Kenya (KDF) ay KA wadaan Gobolka Gedo Ee Koonfurta Soomaaliya halkaas oo Boqolaal shacab ah ay ka waxyeeloobeen, isla markaana waxa uu dowlada Kenya ka dalbadey inay joojiso Duqeymahaas, isagoona DFS Soomaaliya ugu baaqey inay ka Jawaabto dhibaateynta Shacabka Gobolka Gedo.
C/Xamiin Xaaji Maxamuud Fiqi, ayaa sidoo kale ka Hadley damaciisa siyaasadeed ee ugu soo laabtey Magaalada Muqdisho, waxana uu u xusey in hada uu doonayo in Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu wax badan la qabto, waxaa uu Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ku amaanay mudadii halka sano ee jirtey Dhismaha Ciidamada Degaannada kuwaasoo uu sheegey in kaalin lixaad leh ay ka qaadan doonaan Sugida amaanka iyo la dagaalanka Xarakada Al-shabaab Ee Soomaaliya.
Ugu damnbeyntii, Wasiirkii Hore Ee Gaashaniga Soomaaliya C/Xamiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa shacabka iyo Madaxda Koonfur Galbeed Soomaaliya ugu baaqey In muujiyaan Midnimo iyo wax wada qabsi, si loo soo celiyo amaanka iyo kobcinta dhaqaalaha Degaanada Dowalda Soomaalia, isagoona Degaanada KGS ku tilmaamey dhul barwaaqo ah oo aan Dowlado kale xitaa aysan haaysanin.
Halkan Ka Dhageyso wareysiga Oo Af Maay Ah.
Idale News Online, Baydhabo