Muqdisho(INO)- Xeer ilaaliyaha qaranka Soomaaliyeed Axmed Cali Daahir ayaa ku dhawaaqay iney danbi tahay in Gabdhaha Soomaaliyeed loo gudo Fircooniga,Xeer ilaaliyaha oo ka hadlayey munaasabad xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho oo looga hadlayey tacadiyada haweenka loo geysto ayaa ku dhawaaqay iney danbi tahay in Gabdhaha loo gudo Fircooni.
Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha qaraka Soomaaliya ayaa ku goodiyey in cidii Gabdhahooda u guday Fircooni sharciga lala tiigsanayo isla markaane lagu qaadayo danbiga ay gashay,wuxuuna ku celceliyey in gudniinka fircooniga ah uu yahay fal danbiyeed la iskula xisaabtamayo.
Waalidiinta Soomaaliyeed iyo haweenka ku shaqaystay gudniinka Gabdhaha ayuu digniin adag u diray xeer ilaaliayha qaranka Soomaaliyeed,wuxuuna dhanka kale sheegay iney dhawaan furayaan xafiis ka tirsan Xeer ilaalinta kaasoo qaabilsan arimaha haweenka.
Halkan Ka Dhageyso.
Gudniinka Fircooniga ayaa ah dhaqan soo jireen ah ay aaminsan yihiin in badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed walow uusan sal iyo raad toone ku lahayn Diinteena,wacyi galin badan oo la sameeyey sanadihii u danbeeyey ayaa kaalin ka qaadatay in bulshadu ay ka guurto gudniinka Fircooniga ah.
Idale News Online, Muqdisho.