Daawo: Madaxweynaha KGS Oo Maanta Gaarey Degmada Waajid

0
221

Waajid(INO) — Madaxweynaha Dowlada  Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta ka dhoofay magaalada Baydhabo, iyagoo aaday degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Wafdiga uu hoggaaminayo Shariif Xasan ayaa waxaa ka mid ah xubno wasiiradiisa ka mid ah oo ay ka mid yihiin; wasiirka maaliyada, Sh. Xasan Lug-buur iyo wasiirka caafimaadka, Isaaq Cali Subag.

Degmada Waajid ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka ay go’doomiyeen xoogagga Al-shabaab; iyadoo aysan jirin waddo u furan, loona diiday inay galaan gaadiidka xamuulka ah ee raashinka wada; iyadoo ay aaddo hadda diyaarad rakaab oo toddobaadkiiba hal mar tagta degmadaas.

Safarka madaxweynaha Koonfur-galbeed ee Somalia ayaa lagu sheegay inay tahay mid uu ugu kuur-galayo xaaladaha bani’aadamnimo ee Waajid ka jira, isagoo kulammo la qaadan doona maamulka iyo saraakiisha ciidamada ku sugan.

Waajid waxaa ka jira macluul aad u daran; inkastoo dadka deegaanka ay ka soo qaxeen in-tooda badan. Sidoo kalena waxaa jira deegaanno kale oo ay kooxd Al-shabaab go’doomin ku hayso oo ay ka mid yihiin; Qansax dheere, Xudur, Tiyeeglow, Rab-dhuurre iyo kuwo kale.

Ugu dambeyn, xalay saqdii dhexe ayay Al-shabaab weerareen fariisimo ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku lahaayeen xaafada Cunaay ee magaalada Baydhabo, iyagoo is-dhaafsaday rasaas culus, iyadoo aysan jirin wax dhimasho ama dhaawac ah oo la sheegay.

Idale News  Online, Waajid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here