Dhageyso:Dawladda UAE Oo Sheegtay In Aysan Joojin Doonin Shaqada Ay Ka Hayaan Soomaaliya

0
253

Muqdisho(INO)- Dawladda Imaaraatka Carabta ayaa cambaaraysay weerarkii shalay ladoonayay in lagu dilo Safiirka dawladdaas ujooga Soomaaliya, laakiin uu ka badaaday waxa ayna sheegtay in ay si dhaw ula socon doonto kuwii ka dambeeyey weerarkaas oo ay cadaalada horkeeni doonaan.

uae iyo somalia

Weerarkii shalay ayaa dhimasho iyo dhaawacyo waxay ka soo gaareen dad rayid ah iyo askar ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya,kuwaasi oo dhaawacyadooda la geeyay qaar ka mid ah goobaha caafimaadka eek u yaalo magaalada Muqdisho.

 Warka wasaarada arimaha dibada ayaa lagu bogaadiyay badbaadista safiir Mohamed Al-Othman”waxaana weerarkaasi ay ku tilmaameen inuu ahaa mid fuleynimo kaasi oo horseedaya in la kordhiyo taageerada Imaaraadka carabta ay siineyso Soomaalia si amuurahano oo kale wax loogu qabto,sida warbixinta Wasaarada arimaha dibada Imaaradka Carabta lagu sheegay.

Imaaraadka carabta ayaa ku celisay inaysan joogitaankeeda Soomaaliya cabsi gelinayeen waxay ugu yeereen weerarada argagixisada,islamarkaana ay sii wadayaan taageerada Soomaaliya iyo howlaha iminka ay ka wadaan Soomaaliya.

Dhanka kale,weerarkii shalay ayaa waxaa cambaareeyay Baarlamaanka isku taga imaaraadka carabta iyo waliba xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here