Muqdisho(INO)— Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa ku eedeeyay Imaaraadka Carabta inay ku soo duuleen Soomaaliya, isla markaana ku soo biireen duulaanka lagu soo qaaday, isagoo xusay inay Muqdisho ka fulinayaan waxyaabo lid ku ah shareecada Alle.
Cali Dheere oo ka hadlayay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu qaaday Kolonyo ay la socdeen Saraakiil ka tirsan Imaaradka Carabta ayuu sheegay in Imaaraadka ay garab iyo hiil iyo hoo u yihiin dowladda Federaalka iyo AMISOM.
“Ma aanan dulmin Imaaraadka Carabta, ayaga na dulmiyay oo na soo weeraray, duulaanka Soomaaliya ayay ku soo biireen, waxay garab, hiil iyo hooba u yihiin Ciidamada AMISOM iyo dowladda, iyagoo wixii dhaqaale iyo lojistiko ku bixinaya”ayuu yiri Cali Dheere.
Halkan Ka Dhageyso.
Sidoo kale waxaa uu sheegay weerarkaas inuu yahay kii u horeeyay ee ay ku qaadaan Imaaraadka Carabta, isla markaana sababta ay u weerareen ay tahay inay yihiin cadaw dagaal ku ah Muslimiinta sida uu yiri.
“Waa weerarkii u horeysay ee Imaaraadka aan ku qaadno, sababta aan u weerarnay waa inay yihiin cadaw dagaal ku ah muslimiinta, iyagoo la safan gaalada, hadey ahaan aheyd xaga bixinta dhaqaalaha iyo lojistikada, waxay horay uga qeyb qaateen duulaanada qaar ka qeyb ee wadamada kale, iyagoo diyaaradahooda ku duqeeyay, anaga ka Soomaali ahaan weerar iyo xamlo ayay nagu soo qaadeen, iyagoo garab iyo hiil iyo hoo u yihiin Ciidamada AMISOM, wixii dhaqaale ay siiyaan dowladda ay siiyaan taageero, hadey ahaan laheyd dayactirka baabuurta, dhismaha iyo qalabka milateri, dagaal cad ayay iclaamiyeen Imaaraadka”ayuu yiri Cali Dheere.
Waxaa uu sheegay inay khasaare u geysteen Saraakiishii u sareysay ee Imaaraadka Carabta safaaradooda Muqdisho ku lahaayeen, waxaana uu ku eedeeyay in Imaaraadka ay ka fulinayaan magaalada Muqdisho waxyaabo lid ku ah shareecada Alle.
Ugu dambeyn Cali Dheere ayaa sheegay inay horay u weerareen dalal duulaan ku soo qaaday Soomaaliya, isla markaana ay beegsan doonaan cid kasta oo taageero siisa Ciidamada AMISOM iyo dowladda Soomaaliya, isla markaana ku soo biirta dagaalka.
Idale News Online, Muqdisho