Muqdisho(INO)- Dawladda Imaaraatka Carabta ayaa cambaaraysay weerarkii shalay ladoonayay in lagu dilo Safiirka dawladdaas ujooga Soomaaliya, laakiin uu ka badaaday waxa ayna sheegtay in ay si dhaw ula socon doonto kuwii ka dambeeyey weerarkaas oo ay cadaalada horkeeni doonaan.
Weerarkii shalay ayaa dhimasho iyo dhaawacyo waxay ka soo gaareen dad rayid ah iyo askar ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya,kuwaasi oo dhaawacyadooda la geeyay qaar ka mid ah goobaha caafimaadka eek u yaalo magaalada Muqdisho.
Imaaraadka carabta ayaa ku celisay inaysan joogitaankeeda Soomaaliya cabsi gelinayeen waxay ugu yeereen weerarada argagixisada,islamarkaana ay sii wadayaan taageerada Soomaaliya iyo howlaha iminka ay ka wadaan Soomaaliya.
Dhanka kale,weerarkii shalay ayaa waxaa cambaareeyay Baarlamaanka isku taga imaaraadka carabta iyo waliba xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Muqdisho