Baydhobo (INO) — Ciidamo Dhawaan Tababar kusoo Dhameeystay Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka oo ay Tababareen Ciidamo Ethoipia ayaa Waxaa la sheegay in Dhawaan Kooxda Al-shabab Ka Sari Doonan Gobolka Bay.
Taliyaha Ciidamada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamuud Cali Gaardiye oo warbaahinta la Hadlay ayaa Waxaa uu sheegay in ay Diyaariyeen Ciidamo ka Tirsan Kuwa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Kooxda Al-shabab Goboladda Maamulkaasi ka Sari Doono.
waxaa uu Sheegay taliye Gaardiye in ay Ciidamadaani Qabaan Tababar Ku Filin Islamarkaana ay Muddo Lix Bil ah Tababar Qaadanayeen.
Taliyaha Ciidamadda Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamuud Cali Gaardiye ayaa Waxaa uu Xusay in ay Ciidamadaania Al-shabab ka Saarayaan Degmooyinka ka Tirsan Gobolka Baay oo ay Haatan Al-shabab Gacanta ku Heeyso.
Dowladda uu Hogaamiyo Madaxweyne Shariif Xasan sheekh Aadan ayaa waxaa Haatan Ciidamo Maleeshiyaad Hore u Badan u Tababaraayo Ciidamadda Ethiopia Ee Ku Sugan Magaalada Baydhabo.
Ugu dambeyntii Al-shabab ayaa Waxaa ay Wali Ku Xoogan Tahay Goboladda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Xafiika Baydhabo