New York(INO) — Saddex dhalinyaro Soomaali-Amerikaan ah oo ku xiran magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa qirtay inay taageeri jireen Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Somalia iyo AMISOM.
Dhallinyaradan oo lagu kala magacaabo, Cali Yaasiin Axmed oo 30-sano jir ah, Maxamed Yuusuf oo 32 jir ah iyo Mahdi Xaashi oo 25-sano jir ah iyadoo laga soo qabtay soohdinta u dhexeysa Waddamada Jabuuti iyo Somalia sannadkii 2012-kii, kaddibna gacanta loo geliyay mas’uuliyiinta Mareykanka ee ku sugan dalka Jabuuti.
Xeer-ilaaliyeyaasha ayaa dhallinyaradan ku eedeeyay inay doonayeen inay tagaan Somalia, si ay ugu biiraan Xarakada Al-Shabaab, isla markaana ay doonayeen inay fuliyeen weeraro argagixisinimo.
Raggan dhallinyarada ah ayaa la sheegay inay qirteen eedeymaha loo haysto ee ah inay taageerayeen Al-sbabaab, iyadoo qirashadoodu ay fure u noqon doonto in laga cafiyo eedeymo kale oo loo haysto oo ay ka mid yihiin inay haystaan hub sharci-darro ah.
Sidoo kale, waxaa lagu wadaa in bisha Juun ee 2015-ka ay maxkamad ku taalla deegaanka Brooklyn ee magaalada New York ay ku xukunto saddexda dhallinyarada ah min 15-sano oo xarig ah.
Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa horay loogu eedeeyay in dhalinyaro Soomaali ah ay ka qorteen Mareykanka, si ay ugu dagaallamaan, waxaana sanandkii 2008-dii Somalia u soo safray labaatameeyo dhalinyari Soomaali Mareykan ah, kuwaasoo ku dhintay dagaalo ka dhacay Koofurta Somalia.
Idale News Online, New York