Dhageyso:Bajaajleyda Baydhabo Oo Warqad Cabasho Ahi U Gudbiyey Taliska Ciidanka Qeybta 60aad Ee DFS

0
236

Baydhabo(INO)-Daraawaladda Mootooyinka loo yaqaan Bajaajta ama Tigda ee ka shaqeeya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay,  ayaa ku dhawaaqay shaqo joojin kadib markii ay cabasho ka muujiyeen Ciidamada Millatariga ee Dowlada Soomaaliya, Kuwaasoo Sida Ay Sheegeen Ku qasba In Si lacag la’aan ah ay ku geeyaan Meelaha Ay Doonaayaan.

moto-bajaaj-500x303

Bajaajleyda ayaa dhibaatada ay qabaan ku sheegay in Ciidamada Millatariga iyaga oo aan dhiibin wax lacag ah ay xoog ku raacaan gaadiidkooda ilaa ay tagaan meesha ay doonayaan.

Dad Danyar ah ayaa Nahay, bajaajtan,  waxaan Ka Soo  saaranaa Beelka Caruurteena, culeys Weyn ayaa Na Saaran,  Ciidanka  Militiriga  DFS , Markii  ay Soo fuulaan Bajaajta  waxay nagu yirahdaan, Lacagtu waan ku siineynaa, markii aan Geyno, waxay naga yirahdaan, Ka hor dhaqaaq  halkan, hanagu qarxine dhibaato weyn aya nahaysato,” ayuu yiri Caliyow.

Qaar ka mid ah kuwa ay dhibaatadaan qabsatay ayaa u sheegay Warbaahinta Gudaha Dalka  Soomaaliya  in Warqad cabasho ah ay u gudbiyen Taliska ay hoostagaan Ciidamada ee qeybta 60-aad oo uu Madax u yahay Jeneraal Ibraahim Yarow.

 Ciidamo Badan oo isugu jira Boolis, Madani ayaa Ka Howlgala Magaaladan, waxaan Saaxibo La Nahay booliska, wax dhib ah kuma Qabno, lakiin ciidanka militeriga ayaa Dhib iyo handaad nagu haayo, degaankeena  aan u dhalaney ayaan joogaan, meel aan u tahriibno garanmeyno, warqad cabsho ah ayaan u gudbiney taliska Ciidanka, balse Jawaabtoodu way nagu soo raagtey” ayuu yiri Gudoomiyaha Bajaajleyda Dgmadda Baydhabo

Halkan Ka Dhgeyso.

Ugu Dambeyntii, Bishaan gudaheeda ayaa Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxa uu uga digay Ciidamada Millatariga dhibaateynta Dadka Shacabka ah.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here