Muqdisho(INO)— Al-Shabaab ayaa xalay mar kale weeraray saldhigyo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM oo ku yaala Shabeellaha Hoose, iyadoo dadka deegaanka ay soo sheegeen dagaalo la isu adeegsaday madaafiic ay dhaceen.
Sida ay sheegayaan wararka weerarada ayaa ku bilowday madaafiic lagu duqeeyay saldhigyada ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Toora-Toorow iyo saldhiga Ambareeso ee duleedka Baraawe.
Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalyahano ka tirsan Shabaab markii dambe ay weeraro toos ah ku qaadeen saldhigyada ciidamada, halkaasoo dagaal fool ka fool ahi uu ka dhacay.
Lama oga illaa khasaaraha ka dhashay duqeymaha iyo dagaalka tooska ahaa, waxaana dad ku sugan degmada Baraawe ay xaqiijiyeen inay maqlayeen madaafiicda iyo hubka la is weydaarsanayay.
Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegay inay xalay weerareen saldhig ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ku lahaayeen degmada Ceelbuur.
Warar lagu soo qoray baraha Internet-ka ee Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahanadooda xalay weeraro ka geysteen Saldhigyo Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Koofurta iyo bartamaha Al-Shabaab.
Jimcihii la soo dhaafay ayay aheyd markii Al-Shabaab ay weerareen saldhig ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Burundi ku lahaayeen deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo lagu dilay ku dhowaad 50-askari ka tirsan Ciidanka Burundi.
Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada tan iyo markii ay bilaabatay bisha Ramadaan, waxaana weeraro ka geysteen todobaadkii hore magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Idale News Online, Muqdisho