Baydhabo(INO)-Maamulka Degaanka Goofguduud ee Gobolka Bay ayaa sheegay in ay ka baqayaan weerar kaga imaada Al-shabab sida ay hadalka u dhigeen.
Guddoomiyaha Maamulka Goofguduud Axmed Aadan Maxa’ed ayaa sheegay in Ciidamadooda iyo kuwa Amisom ay feejignaan ku jiraan kadib markii ay ka war heleen in Ciidamo ka tirsan Al-shabab ay ku soo wajahan yihiin halkaasi.
waxaa uu sheegay in maalmihii hore ay sameyn jireen howl gallo laakiin hadda ay korodhay weerarrada ay qaadayaan,
kadib markii ay Weerarro ka fuliyeen Gobolka Shabeellaha hoose ay keentay in
hadalka gudoomyaha goof gaduud ayaa waxa uu imaanaya xili al shabaab ay sheegeen inay soo kordhinayaan weerarada ay geysanayaa inta lagu guda jira bisha ramadaan.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online,Baydhabo