Dhageyso:Afhayeenka DF Soomaaliya oo ka warbixiyey Safarka uu Rw CCC ku joogo Itoobiya

0
253

Adis(INO)-Afhayeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa ka warbixiyey Safarka uu R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ku joogo magaalada Addis ababa ee caasimadda dalka Ethiopia.

Ridwaan Xaaji ayaa sheegay in R/wasaaruhu uu booqasho rasmi ah ku joogo wadanka Ethiopia isla markaane ay qayb ka tahay socdaal uu R/wasaaruhu ku marayo wadamada geeska Afrika,wuxuuna tilmaamay iney ka wadahadlayaan arimaha amniga Soomaaliya iyo hiigsiga cusub ee sanadka 2016-ka.

Afhayeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa tilmaamay in sidoo kale R/wasaare Cumar Cabdi Rashiid uu kala hadlayo madaxda gobolka sidii ay kaalin uga qaadan lahaayeen dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo dowladdu ay dhismihiisa ku hawlan tahay.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Addis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here