Muqdisho(INO)-Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud, oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka hadlay golaha wasiirada ee laga sugayo ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa sheegay in wax wanaagsan ay tahay uuna soo dhaweynayo ruuxa uu Xasan Sheikh u xushay ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali.
Xildhibaanka ayaa dhanka kale sheegay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya iminka aysan ku kala argti duwaneen ansixinta Cumar C/rashiid islamarkaana la dhameeyay xildhibaano diidanaa in Ccc Sharma’arke la ansixiyo.
Idale News Online, Muqdisho.