Dhageyso: Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Wado Dhexdhexaadin Beelaha Biimaal iyo Habargidir

0
203

 Afgooye(INO)-Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii, oo la hadlay saxaafada ayaa ka hadlay waxyaabaha keenay inay soo laalaabtaan dagaal beeleedyada ka dhacaya deegaanada gobolka Shabeelaha Hoose.

siidii

Mr Siidii, ayaa ugu horeyn sheegay in qaadashada nidaamka federaalka oo si qaldan loo fahmay ay sabab u yihiin dagaalka u dhaxeeya beelaha Habargedir iyo Biyo maal oo marar badan ka dhacay gobolkaasi.

Siidii ayaa ka dalbaday madaxweynaha iyo dowlada Soomaaliya inay taageeraan dadaakada uu wado madaxweynaha maamulka koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh aadan, kaasi oo ah dhexdhexaadin laga dhex sameeyo dhinacyada ku dagaalamay gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhawaan waxaa dib kaga bilowday deegaanada hoos taga degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose, dagaalada u dhaxeeya maleeshiyaad wada daga deegaanada gobolka Shabeelaha Hoose.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here