Baydhabo(INO)–Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq (Afaraale) oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka digay in dowladda Federaalka ay aqoonsato baarlamaanka cusub ee maamulka KMG Jubba.
Waxa uu sheegay xildhibaanka in qaab cadaalad aan ahayn loo qeysaday xildhibaanada baarlmaanka Jubba, oo uu tilmaamay in deegaanada qaar la qadiyay.
Xildhibaan Afaraale ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu doonayo in mar kale si sharci darro ah loo soo doorto si uu usii hayo xilka madaxweyne ee maamulkaasi, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay in marnaba aan loo dulqaadan doonin arintaasi, islamarkaana uu sheegay in aysan ahayn wax ay ku qanacsan yihiin shacabka degan gobalada Jubooyinka.
Odayaal dhaqameed ayaa dhawaan sheegay in ay isaga soo dareereen shirkii lagu dhisayay baarlamaanka Jubba, xilli baarlamaanka maamulkaasi dhawaan lagu dhawaaqay.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.