Daawo+ Dhageyso: Wasiir Xasan Xuseen Oo Tababar U Soo Xirey Ciidamo Ka Tirsan Daraawiishta KGS

0
246

Baydhabo(INO)-Waxa Maanta  Wasaaradda Hub Ka Dhigsta, Dhaqan celinta iyo Tababaradda Maleeshiyaadka Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, tababar  u soo xirtey Ciidamo  ka mid noqon doonaan Daraawiishata ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamada Tababarka Loo Soo xirey ayaa ahaa Boqolaal askri, kuwaasoo  qiib ka qaadan doono, Sugida Amaanka iyo Difaaca Degaanadda ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyagooan halkaasi ku soo bandhigey Wax yaabihii La barey.

Wasiirka Wasaaradda Hub ka dhigsta, Dhaqan celinta iyo Tababaradda Maleeshiyaadka ee dowlada KGS Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa  hadal Kooban uu halkaasi ka jeediyey u Mahadceliyey Ciidanka Iyo Saraakiisha Tababartey.

Halkan Ka Dhageyso Codka Wasiir Xasan Xuseen

Aad ayaan ugu Mahadcelineynaa, Saraakiishii ka qiib qaadatey, Tababarida Ciidanka Dawaariishata ee KGS, dhableyda iyo Dhamaan ciidanka , Maadaama ay u dul qaateen, Mudo Kudhawaad 3 Bilood uu tababar ugu Socodey,Xerada ADC ee Baydhabo Iyo Dhaamaan Dadkii Howlsahan Nala Qabtey” Ayuu yiri Wasiir Xasan.

Wasiir  Xasan Xuseen Maxamed oo Hadalkiisa Sii wato ayaa Sheegey in Ciidamadan  La geyn doono Xuduudaha Dowladd Koonfur Galbeed Soomaaliya Ay wadaagto Maamuladda Kale Ee Dalka” Ciidamadani waxa La geynaaya Meel weliba oo Dowladda KG Soomaaliya Ka Taliso, Halkaas oo Shaqadoodi loo egmadey  ay ka qaban Doonaan” Waxa Sidaas yiri Wasiir Xasan Xuseen Maxamed.

Dhan kale waxa Maanta, Sidoo kale tababar loo Furey ciidamo ka Mid noqon doona Daraawiishta ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, isla markaana waxaa Tababar siinaayo Saraakiil Xirfad iyo Waayo Aragnimo u leh tababaradda Ciidanka.

Ugu Dambeyntii, Dhawaan ayey ahayd Ka Dib Markii 600 oo Askri  dowladda Koonfur galbeed Soomaaliya ay u  soo xirtey Tababar  soconaayey mudo 6 bilood ah, kuwaasoo, hadda Howlgalo Ka Wada  degaanada KG Soomaaliya.

Idale News Online, Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here