Dhageyso: Xildh Shariif Xasan ayaa shirka ka socda Baydhabo ku tilmaamey shir xildhibaano dano gaar leh wataan

0
222


shariif

[audio:http://kismaayo24.net/wp-content/uploads/2013/12/shariif-.mp3|autostart=yes]

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isaga iyo xildhibaano taageersan isaga soo huleeleen magaalada Baydhabo ka dib markii laga hor yimid fikirkii ay wateen ayaa mar kale isagoo saxaafada gudaha ee magaalada Muqdisho la hadlaayey ka soo horjeestay shirka dhawaan ka furmay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, kaasoo looga arrinsanaayo maamul cusub oo loo sameeyo gobalada Koonfur Galbeed ee dalka.

Isagoo la hadlaayey waxa uu ku diidan yahay shirka maamul u sameynta lixda gobol ee gogoshiisu taalo magaalada Baydhabo ayuu sheegay in shirka wajiga labaad ka furmay Baydhabo uu yahay shir ay wataan xildhibaanno iyo shakhsiyaad gooni ah oo aan loo dhammeen.

Wuxuu sheegay xilligan in uusan jirin shir ka furmay Baydhabo waayo ayuu yiri waxaa socda wadatashiyo marka dad badan ayaa ka maqan ayuu yiri.

“Waxaan anniga qabaa beelaha dhammaan ma joogaan shirka, teeda kale shir aan dowladda ogeyn cid qaban karto ma jirto,ciladahaas ayuu qabaa teeda kale xildhibaannada shaqo u taallo ma ahan shirkaas” ayuu yiri xildhibaan Shariif Xasan.

Shariif Xasan ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in shirka lagu koobo uun seddax gobal,waayo ayuu yiri gobalada Jubbooyinka iyo Gedo hadda maamul caalamka iyo dowladda ay aqoonsan tahay ayaa ka jirra ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in hadda loo bahan yahay uun siddii maamul cusub loogu sameen lahaa dadka degga gobalada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Shariif Xasan ayaa ka soo horjeedo qorshe uu wado Xildhibaan Aadan Madoobe oo horrey isna u soo noqday guddoomiyaha baarlamaanka, kaasoo u ololeenaya in maamulka cusub uu noqdo lix gobal oo ay ku jiraan Jubbooyinka iy Gedo.

Go’aanka Shariif Xasan ee uu kaga soo horjeedo shirka wajigiisa 2aad uu dhowaan ka furmey xarunta ADC ee magaalada Baydhabo ayaa imanaya xilli horey looga soo ceyriyey magaalada Baydhaba, ayada oo lagu tuhmay inuu waday shirqool ka dhan ah shirka, oo ay gadaal ka riixeyso qaar ka mid ah madaxda sare ee dowlada.

Idale News Online, Mogadishsu