Warbaahinta Sacuudiga ayaa shaacisay in Boqorka dalka Sacuudiga Cabdalla Bin Cabdulcasiis uu mid ka mid ah wiilashiisa u magacaabay Duqa magaalada Makka Al Mukarama. Mishcal Bin Abdalla Bin AbdulAzis oo 46 jir ah ayaa ah wiilka 6aad ee Boqor Cabdalla wuxuuna horay u ahaa gudoomiyaha gobolka Buralayda ee Najran.
Wiilasha Boqor Cabdalla ayaa xilal muhiim ah ka haya dalka sacuudiga, waxayna xilalka ay hayaan ka mid ah
Amiir Mutayib Bin Abdalla Bin AbdulAzis waa madaxa ilaalada qaranka, Amiir Mutayib wiilkiisa waa wasiir kuxigeenka Arimaha Dibada
Turki Bin Abdalla ayaa isaga waxuu yahay ninka labaad ama gudoomiye kuxigeenka magaalada caasimada ee boqortooyada ee Riyaad
Idale News Online