Daawo: Degmada Wardhiigley oo howlgal lagu burburinaayo guryaha sharci darada ah ka bilowday xaafado ka tirsan degmadaas

0
384


Mid ka mid ah 17 degmo ee Gobolka Banaadir ayaa xaafadaha ay ka kooban tahay ka bilowday burburinta guryaha sharci darada ah ee ka dhisan dhinacada wadooyinka iyo meelaha danta guud, waxayna degmada sidoo kale bilowday soo celinta bilicda wadooyinka iyadoo ku xirtay nalal kuwaasoo dadka degmadaasi ay aad ugu riyaaqeen, isu socodka dadka iyo xooginta amaanka xaafada degmadaasina wax badan ka bedelay

Haweeenayda madaxda ka ah degmada Wardhiigley ayaa sheegtay in howlada nafaadeed, nalalka lagu xiray wadooyinka, burburinta guryaha soo galey wadooyinka ay intuba degmada ku soo kordhiyeen sara u kaca qiimaha guryaha lagu kala iibsado degmada Wardhiigley iyo amniga degmada oo si aad ah u soo hagaagey.
wardhiigley

Idale News Online, Mogadishu