Baydhabo(INO)- Wasiirka wasaaradda Hub ka dhigista, dhaqan celinta iyo tababaradda maleeshiyaadka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed ayaa ka hadley, Ciidamada AMISOM oo faarujiyey degaano iyo Degmooyin ka Tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.
Wasiirka ayaa Qorshahaasi ku tilmaamey in ciidamdda AMISOM ay wadaan dhaq dhaqaayo dib isku habeyn ah oo wadaan isla markaana waxa uu beeniyey warar Sheegaya in ciidamada AMISOM ay baneyn doonaan Degmada Buurhakaba Ee Gobolka Bay, taasoo sida lagu soo waramayo cabsi xoogan ka taagan tahay.
” Way jiraan Degaano ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose oo Ciidamada AMISOM ay isaga Baxeen, waa qorshe malitiri, ka soo bixitaan kaliye yaan la fiirin, is bedel ayaa Jiro doono, tan kale, Degmada Buurhakaba ayaa laga baxay waa been in meel la qabto mooye meel laga bixi doono ma jirto” ayuu yiri Xasan Eelaay.
Degaanada Ciidamada AMISOM faarujiyeen waxa Soo buux Dhaafiyey Ciidamo Ka tirsan Kuwa xarakadda Al-shabaab isla markaaan waxa arintaasi cabsi xoogan ku beertey shacabka degaaanadaasi.
Hlkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Baydhabo