Dhageyso: Dowladda KGS Oo Sheegtay Inay Fureyso Dekadaha Baraawe Iyo Marka Ee G/Sh/Hoose

0
236

Marka(INO)-Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Ee Dowladda Koofur Galbeed Soomaaliya C/llaahi Sheikh Xasanayaa Tilmaamay in Dowladda KGS ay  dhawaan Furayso Dekeddaha ku yaala Magaalooyinka MarkaCadey iyo Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

abudlahi-sheekh-620x330

C/llaahi Sheikh Xasan Wasiirka Ganacsiga Dowladda Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa Arrintaas ku micneeyay in Gobolka Shabellaha Hoose uu yahay Gobol uu qeyraadkiisu badan yahay islamarkaana loo baahan yahay in Dadka Gobolka ku nool Ganacsigooda la horumariyo.

Wasiirka ayaa Xusay in sidoo kale hadii dib loo furo  dekeddaha Baraawe iyo Marka ee Gobolka Sahebellaha Hoose laga maarmi karo Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale wasiirka Ganacsiga Iyo warshadaha ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa uu  ka hadley Sicir Bararka ka Tagaan Gobolka Bakool, isla Markaana waxa uu sheegey in Sicir bararkaasi uu ka dhashey Go’adoominta Al-shabaab ay ku Hayso Degmooyinka Gobolka Bakool, waxaana uu  intaa ku darey in Gollaha Wasiiradda KGS ay go’aamiyeen In Bishii June Ee Tagdey Bartamaheeda la diyaariyo ciidamo isku farayo wadooyinka Goboladda Bay iyo Bakool.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Muqdisho

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here