Baydhabo (INO)—Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliyeed, Maxamed Sheekh Cabdiqaadir oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay ka bilaabeen Degaano ka tirsan Gobolka Bakool horun colaadeed, waxuuna xusay in dhibaatada ka dhalata mas’uuliyadeeda ay qaadi doonaan Xildhibaanadaasi.
Wasiir Maxamed Sheekh Cabdiqaadir ayaa carabka ku adkeeyay in Dowlada Koonfur Galbeed uu diyaar u yahay qancinta Xildhibaanada iyo cidwalba oo wax ka tabaneysa Maamulkooda balse aan loo baahneyn in dhabaato laga shaqeeyo.
Geesta kale Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Dowlada Koonfur Galbeed Maxamed Sheekh Cabdullaahi ayaa sheegay in haatan la joogo xilligii la xoojin la haa horumarka ay ku talaabsanayaan Shacabka ku nool Degaanada uu ka arimiyso Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Wasiir Maxamed Sheekh Cabdullaahi ayaa waxuu ka diggay in dib u dhac lagu keeno Degaanada Dowlada Koonfur Galbeed ee Soomaalaiya.
Idale News Online, Baydhabo