Dhageyso: Wasiirka Arrimaha Gudaha & Federaalka (Goodax) “Anagu Labada shir ee Baydhabo ka socda midna ma taageerayno”

0
212
[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2014/02/goodax.mp3|autostart=yes]

Wasiirka Arrimaha Gudaha & Federaalka ee Dowlada Somalia C/laahi Goodax Barre ayaa markii ugu horaysay shaacisay inaysan dowlada federaalka aqoonsanayn shirarka ka socda magaalada Baydhabo ee lagu doonayo in lagu dhiso Dowlada Goboleed loogu magac darey Koonfur Galbeed Somalia.

Goodax-Barre

Wasiir Qoodax Bare oo dhowaan booqasho ku tagey magaalada Baydhaba lana kulmay dhinacyada ku shirsan gobolka  ayaa sheegay in dowladu aysan aqoonsanayn  labada shir ee Lixda gobol iyo kan seddexda gobol ee ka socda Baydhaba balse yiri haddii siyaasiyiinta iyo odayaasha degaanadaasi ay wada hadlaan oo xal isla gaaraan una soo bandhigaan dowlada ay dhagaysan doonto hadiise arintaas la waayo in dastuurka dalka loo bandhigi doono dowladuna ay si toos ah u faragelin doonto.

Wasiir Qoodax wuxuu dhanka kale sheegay in laba maalin ka hor isaga iyo wasiiro kale ay tageen magaalada Baydhabo si ay xaalada ugu soo kuuragalaan islamar ahaantaana dadka iyo odayaasha halkaas ku shirsan ugu bandhigaan inay ka qeyb qaataan dedaalada amniga ay dowladu wado arintaas oo sida hadalka u dhigay ay kusoo guulaysteen.

Lama oga go’aanka & jawaabta ay siyaasiyiinta,  odayaasha dhaqanka iyo ergada muddada dheer ku shirsaneyd Baydhabo ka qaadan doonaan go’aanka dowlada ee ay ku laashey aqoonsiga waxa ka soo baxa shirka maamul u sameynta lixda gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Idale News Online, Mogadishu,