Muqdisho(INO)- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/laahi ayaa ka hadlay Diyaarad ay leedahay Shirkadda Duulimaadka Daallo Arline uu dab ka kacay Xilli ay ka duushay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho Ee Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde.
Wasiir C/laahi Black ayaa sheegay in Diyaaradda ka hor inta uusan dabku ka kacin ay ka duushay Garoonka Aadan Cadde islamarkaana waxyar kadib uu baku ka kacay si nabad galyo ahna ay Garoonka ugu soo tagatay.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in la wado Baaritaan ku aadan waxa Sababay Dabka ka kacay Diyaarada oo la shaacin doono Waxii soo baxa hadii ay Cilad tahay iyo hadii Arrin kale tahay intaba.
Halkan Ka Dhageyso wareysiga
Idale News Online, Baydhabo