Muqdisho(INO)-Wariyeyaasha xiran ee Idaacada Shabelle ee muddo bilo ah Xabsiga xirnaa ayaa waxay maanta kasoo muuqan doonaan Maxkamada Gobolka Banaadir.
Wariyeyaasha Idaacada Shabelle ee xiran ayaa waxa ka mid ah:-
- Malkiilaha Idaacada Shabelle C/maalik Yuusuf Maxamuud
- Maxamed Bashiir Xaashi oo ah Madaxa Wararka Radio Shabelle
- Axmed Cabdi Xasan oo Warqabadka Idaacada Shabelle katirsan iyo
- Maxamuud Maxamed Daahir (Carab) oo ah Agaasimaha SKY FM
Agaasimaha Idaacada Shabelle Maxamed Muuse ayaa waxa uu sheegay inay ku rajo weyn yihiin in maanta ay dib xoriyadooda uheli doonaan wariyeyaasha Bilaha ka xirnaa.
Radio Shabelle oo la mataansan Idaacada SKY FM ayaa muddo ka badan 7 bilood waxay hawada ka maqan yihiin kadib markii lagu Eedeeyey inay warar been abuur ah ka faafiyeen mas’uuliyiin katirsan Dawlada Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online. Muqdisho.