Bosaso(INO)-Xarakada Al Shabaab ayaa waxay sheegeen inay guulo ka gaareen dagaal ay Ciidanka Maamulka Puntland kula galeen deegaanada ku yaalla Buuraha Gal gala ee Duleedka Magaalada Boosaaso.
Afhayeenka Dhinaca Howlgalada Xarakada Al Shabaab Cabdicasiis Abu Muscab oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in 27 Askari ku dileen dagaalkaasi.
Waxa uu Abu Muscab tibaaxay inay sidoo kale dhaawac ugeysteen ciidanka Puntland ee dagaalka la galeen iyo kuwo kale oo gurmad ahaan ugu yimid,
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Basooso.