Muqdisho(INO)-Waxaa maanta sida qorshaha uu yahay Soomaaliya aan la keeni doonin Khaatka kadib markii la sheegay in sare u kac uu ku yimid lacagaha laga qaadi jiray dadka khaarka keeni jiray Soomaaliya.
Dalka Kenya waa meesha ugu badan ee khaatka laga soo guro kadibna la keeno Gudaha Somaliya iyo meelo kale oo Afrika ah.
Haweenka Soomaaliyeed ee ka ganacsada khaatka kuna sugan Kenya ayaa waxay sheegeen in 55,000 oo kenya Shillin ah lagu soo rogay inay bixiyaan taasi oo udhiganta lacag ahaan $600 Dollarka Mareykanka halka hore looga qaadi jiray Lacag dhan $300 Dollar.
Seddex Meelood labo Meel markii dadka loo qeybiyo Somaliya jooga waxay cunaan Khaatka,taasi oo lagu sheego inuu yahay Maandooriye Maskaxda badela inkastoo dadka Cuna ay aaminsaneyn Arintaasi.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Muqdisho.