Gudoomiyaha xildhibaanada xisbiga talada Kenya haya (Majority Leader) Xildhibaan Aadan Bare Ducaale ahna mudane laga soo doortay magaalada Gaarisa oo munaasabad ka dhacday Gaarisa ka hadlayay ayaa sheegay in Jubbaland ay aqoonsan yihiin ciidamada Kenya ee kusugan Jubada Hoose aysan ka soo baxaynin halkaas.
‘‘Walaalhaanaga Somalia mid baan u sheegaynaa horeyna madaxweyne Xasan Sheekhna waan ugu sheegnay in ciidamada Kenya ee ku sugan Jubada Hoose ma soo baxayaan meel ay u socdaana ma jirto, Dowlada meesha ka dhisana jini iyo jaan waxay noqotaba anagu waan taageersanahay’’ ayuu yidhi Xildhibaan Aadan Bare.
Xildhibaanka ayaa dhanka kale soo hadal qaaday mooshin ka dhan ah joogitaanka ciidanka Kenya ee Kismaayo oo la sheegay in qaar kamida xildhibaanada Muqdisho ay wadaan wuxuuna soomaalida su’aalay sababta ciidanka Kenya oo kaliya looga hadlayo ee aan looga hadlaynin ciidamada Burundi iyo Uganda ee kusugan Muqdisho.
Ugu danbeyntii xildhibaanka ayaa sheegay in Kenya ay doonayso maamul goboleed sarsar ah sida Puntland iyo somaliland ugu yihiin dowlada Ethiopia.Marka la fiiriyo xildhibaanada soomaalida Kenya,Xildhibaan Aadan Bare waa xildhibaanka hada ugu dhow hogaanka Kenya wuxuuna xidhiidh dhow la leeyahay madaxweyne kuxigeenka Kenya Willium Ruto.
Dhageyso Xildhibaanka Kenya Adan Bare Ducaale [audio:http://dhanaan.com/dhanaan/wp-content/uploads/2013/06/Xildhibaan-Adaan-Bare-Ducaale.mp3]
Dhanka kale Illaa toddobo xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa la kulmay Axmed M. Islaan (Madoobe) oo ah mid ka mid ah siyaasiyiinta Jubbooyinka, iyaga oo sheegay in isagu uu yahay ka sharciga ah.
Dr. Maxamed Daahiye Ducaale oo ka mid ah xildhibaanadii la kulmay Axmed Madoobe ayaa VOA-du ay wareysi la yeelatay. Kulanka ayaa ka dhacay dalka Kenya
Dhagesyo Wareysiga Haaruun Macruuf oo BBC ka tirsan la yeeshey Dr. Maxamed Daahiye Ducaale: [audio:rtsp://realaudio.rferl.org/voa/SO/2013/06/09/a4f5e1a7-d6f9-4dcb-ba48-385139194912.mp3]