Dhageyso Wareysi: Wasiirka Madaxtooyada KGS Oo Ka Hadley Horumarada iyo Hiigsiga Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya

0
818

Baydhabo(INO)- Wasiirka Madaxtooyada Dowlada Koonfurgalbeed Soomaaliya Maxamed C/laahi Mursal Oo Waresyi Gaar Ah Siiyey Idaacada Codka Shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee Magaalada Baydhabo Ayaa Waxaa Uu Ka Hadlay Arimo Badan Oo Ka Mid yihiin Hormarka Dowlada dhanka Siyaasadda dalka Iyo dibada Amaanka Koofur Galbeed Soomaliya Tababarada Ciidanka, diplomasiyadda Caalammiga iyo Kuwo kale.

Maxamed C/laahi Mursal  Wasiirka Madaxtooyada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaliya Ayaa Ugu Horeyn Ka Haadalay Hormarka Dowlada mudadii Ay Jirtey Wuxuuna Sheegey In KGs Ay Haatan Taagan Tahay Wadadii Hormarka Marka Loo Eego Halka ay joogtey xiligii La dhisey.

Sidoo kale waxa uu tilmaamey Xiriirada Dowlada  Federalka Soomaaliya  Iyo Dowladaha xubnaha Ka Ah DFS Oo Ah Mid aan Ka Maarmin Dowlada KGS Ayuu Sheegey Wasiirka Madaxtooyada Dowlada Koonfur galbeed Soomaaliya In Dhamaantood Uu Ka Dhaxeeyo Xiriir Wanaagsan Maadaama Lagu Mideysan yahay Jamhuuriyada Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga

Xigasho: ^0C5875620AE50CD3C4AE5A5C252A29EE8C4AD1DCB4F900A32D^pimgpsh_fullsize_distr

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay