Dhageyso: Gudoomiyaha golaha guurtida dowlad goboleedka KGSoomaliya Ee 6da Gobol Malaaq Shure oo digniin u diray C/fataax Geesey iyo Shiino Macalin Nuurow

0
200

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Maamulka lixda gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ugu baaqdey dadka ku abtirsada lixda gobol ee maamulkaas ka kooban yahay in ay soo xaadiraan shir deg deg ah oo xarunta gobolka Bay ee Baydhabo ka dhici doona dhowaan kaasoo looga arrinsanaayo xaalada dalka gaar ahaan dhinaca siyaasada iyo dagaalada ka soo cusboonaadey qaar ka mid ah gobolada maamulkaasi hoostaga.

Dhageyso Malaaq Shure oo arrimo badan kaga hadley shirkiisa jaraa’id ee magaalada Baydhaba ayaa sheegay in dadkii qaybta ka ahaa dhismaha maamulka lixda ah ee beryihii ugu dambeysay ku sugnaa magaalada Muqdisho ay bilaabeen sidii ay u boqon goyn lahaayeen dhismaha maamulka lixda gobol, waxuuna fariin uu warbaahinta u mariyey wasiirka gudaha maamulka lixda gobol iyo gudoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Bay ku sheegay in muddo seddex cisho  gudahood ku soo galaan xarunta KG ee Baydhabo haddii kale ay xilalkooda weyn doonaan.

[audio:http://www.ishabaydhaba.com/wp-content/uploads/2014/06/xasn-shure-.mp3|autostart=yes]

Malaaq-Shurow

Idale News Online, Baydhaba Janaay