Waxay ahayd ciyaar aad u xiiso badan, waxay ahayd ciyaar aan waxbo laysku reeban, waxay ahayd ciyaar layska dhaliyay Goolal aad u qurxan oo aan kala dhicin.
Arjen Robben oo Goolka 1aad u saxiixay Holland, ayaa waxaan daqiiqad ka yareen Gool qurux badan kusoo bar bareeyay Tim Cahil.
Australia ayaa qeybtii hore ciyaarta ka dhigtay 2-1, waxaana Gool ku laad u saxiixay Mile Jedinak.
Goolka Tim Cahil ayaa noqday mid kamid ah Goolasha ugu qurxan ee laga dhaliyay Koobka aduunka, waxaana uu lamid noqday Goolkii Van Basten.
Dhanka kale Arjen Robben oo lacelin la’yahay koobkaan adduun ayaa hogaankaba kusalimay Orange daqiiqadii 20aad, isagoo dhexda kagasoo tagay Alex Willkinson, Robben ayaa shabaqa kasoo galay dhanka midig laadkii uu la aaday shabaqa, kubada ayaa dabamartay goolhayeha Australia, iyadoo cugsatay shabaqa.
Robben Van Persie ayaa jawaab degdeg ah bixiyey, ciyaarta oo xamaasad waali ah yeelatay, afar daqiiqo kadib rigoorada Australia, daafacyada qarankaan ayaa iskasoo fogeen waayey kubada oo ugashay lugta Van Persie, weeraryahanka Manchester United ayaan meel kale fiirin isagoo 10 Yard kasoo fidiyey laad si halhaleel ah shabaqa dalqada kagashay.
Balse Goolhayeha Australia ayaa qalad weyn kulahaa gool seddexaad oo ay dhaliyeen Ducht ka, Memphis Depay oo badal kusoo galay ciyaarta ayaa shabaqa kasoo toogtay meel 30 Yard ujirto, goolahayeha Australia ayaa kalifay in hogaanka ciyaarta ay qabato Oranges oo u ekaa kuwa soo baraarugay.
Idale News online.