Maxaabiis Somali ah ayaa waxay ku xiran yihiin Xabsi ku yaalla dalka Hindiya iyagoo sheegay inay hadda kusugan yihiin xaalad adag oo dhinaca nolosha ah.
Halkan Ka Dhageyso Wareysi murugo Leh.
[audio:http://warqaad.so/wp-content/uploads/dhalinyaro-ku-xiran-Hindiya.mp3?_=1|autostart=yes]Somalida ku jirta Xabsigaasi ayaa tiradooda lagu sheegay 120 ruux waxaana dawlada Hindiya ay ku Eedeysay inay yihiin Burcad badeed iyaguna ay iska bari yeeleen falka lagu eedeeyey.
Qaar ka mid ah Somalida ku xiran Xabsigaasi ayaa waxay sheegeen in xaalad caafimaad daro ay gudaha Xabsiga ku heysato cudurana ay ka dhex dilaaceen Xabsiga,raashinka laga cuno dalkaasina ay la qabsan la’yihiin.
Waxay ku eedeeyeen safaarada Somaliya ee dalka Hindiya mid dhagaha ka fureysatay markii ay codsadeen inay utimaado si ay ugu sheegtaan dhibka heysta.
Idale News Online.