War Naxdin Leh: 720 Qof Masaari ah oo uu Ku Jiro Hogaamiyaha Ikhwaanka oo Goordhow Lagu Xukumay Dil Toogasho Ah.

0
207

Maxkamadda Denbiyada wadanka Masar ayaa waxay ridey Xukun Toogasha ah, iyadoona dib u eegid ku sameysay Xukun bishii hore ee Marso ay riday.

Maxkamadda ayaa waxay maanta dil toogasha ah ku xukuntay dad tiradooda ay gaareyso 683 qof, oo uu ku jiro Ninkii ugu sareeyay Ikhwaanka ee Muxamed Badiic.

Sidoo kale Maxkamadda waxay ka noqotey Xukunkii  dilka ahaa ee bishii Marso ay ku riday dad tiradooda gaareysay 529, waxaana dadkaasi loo kala qaadey laba qeybood.

492 kamid ah waxaa lagu Xukumay Xaabsi Daa’in ah, halka 37 kamid ahna lagu xukumay dil toogasha.

Wadarta dadka Dilka ku xukuman ayaa gaaraya 720 Qof, waxaana kujira dadkaas Maxamed Badiic oo ah Hogaamiyaha Ikhwaanka.

Gudoomiyaha Maxkamadda oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Xukunka ay gaartey Maxkamadda loo gudbin doono Muftiga guud ee dalka Masar.

Ikhwaanka iyo dadka kasoo horjeeda Meleteriga Masar ayaa waxay la kulmayaan dhibaato aad u daran, waxaana dadka xiran kamid ah Madaxweynaha Masar ee xaqa ah Dr. Maxamed Mursi.

egypt-just-handed-out-the-largest-mass-death-sentence-in-its-modern-history-article-body-image-1395684473

Idale News Online, Cairo.