Dhageyso: Shirka dhismaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somalia oo si habsami leh uga socda Baydhabo, 20 cisho gudahoodna la dooran doono Madaxdii dowlad goboleedka KG,

0
192

Beydhabo oo indhawaalaba uu ka socdey shir lagu dhisaayo dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa waxaa ergadii hore ee shirka ku soo biirey ergo kor u dhaafeyso ilaa 100 qof oo isugu jira Malaaqyo, nabadoono siyaasiyiin iyo weliba qeybaha kale ee bulshada ku dhaqan lixda gobol ee maamulkaas ku midoobey.

Dhageyso wareysiga suldaan Shariif  Cali Xasan Ibraahim [audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2013/11/shirKG.mp3]

Suldaan Shariif Cali Xasan Ibraahim, oo ka mid ah dadka hor bodaya Dhismaha Maamulka Koonfur galbeed Somalia ayaa sheegay in Ujeedka Shirkoodu inuu yahay  mid ay uga soo horjeedaan shirka Muqdisho maanta ka Furmay.

shirkabay

hoolka-shirka-baarlamaanka

Sidoo kale Wuxuu sheegay in Kulankooda maanta ay uu salka ku hayay dhameystirka Maamulka Koonfur Galbeed Somalia, si sida ugu dhaw Lixda gobol ee Baay , Bakool Labada Jubba, Gedo iyo Sh/hoose .

“Dhowaan waxaan si cad u sheegnay markii uu naga batay ciilka iyo carada dowlada Somalia inaan kalsoonidii kala laabanay, Laakiin Guddomiyaha Baarlamaanka Somalia oo nooyimid isaga iyo 60 Xildhibana waxay noo sheegeen inaan Sameysan karno Maamulkeena Laakiin iminka waxaa muuqaneysa in balantaasi laga baxay Muqdishana shaqsiyaad lagu kool koolinayo ” ayuu yiri Suldaanka .

Muqdisho waxaa Maanta ka furmay Shir looga hadlayo aayaha Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, inkastoo Beydhabana uu ka furmay mid kaas kasoo horjeeeda oo looga hadlayi aayaha Lix gobol oo Koonfurta Somalia ka mid ah

Idale News Online