Galkacyo(INO)— Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo qeyb ka ahaa dadaalada nabadeed ee ka socday magaalada Gaalkacyo ayaa ugu baaqay Maamulada Puntland iyo Galmudug inay ka shaqeeyaan sidii xal waara loo gaari lahaa, si nabad ahna loogu noolaan lahaa magaalada.
Cumar C/rashiid oo shalay ka hadlayay kala qaadista ciidamada Puntland iyo Galmudug ee isku hor-fadhiyay galbeedka magaalada Gaalkacyo ayaa ugu baaqay dadkii ka barakacay inay dib u soo laabtaan.
“Nabada laga shaqeynayaa, wixii dhameystir u baahan waa la dhameystirayaa, waxaa rajeynayaa in tani ay noqoto mid aan mar dambe soo noqon, waxaa ugu baaqayaa shacabka reer Gaalkacyo inay dib ugu soo noqdaan guryahooda”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeya loo gudbi doono sidii xal waara loo gaari lahaa, isla markaana nabadeynta magaalada looga shaqeyn lahaa.
In ka badan 50 kun oo qoys ayaa bishii hore ka barakacay dagaalkii ka bilowday magaalada Gaalkacyo, waxaana dadkan oo u barakacay deegaanada miyiga la sheegay in xaalad nololeed ay la soo deristay.
Shalay ayay aheyd markii Madaxda Puntland iyo Galmudug ay ku guuleysteen kala qaadista ciidamada, kaddib wada hadalo todobaad ka socday Gaalkacyo oo ay garwadeen ka ahaayeen Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid iyo Wakiilka Qaramada Midoobey.