Dhageyso: Nabadoon Caan Ah Oo Ka Soojeeda Beesha Habargidir Oo Lagu Diley Degmada Afgooye + Qooleey Oo U Hanjabey Galedi Iyo Biimaal

0
980

Afgooye ( INO)-Kooxo Hubeysan ayaa caawa waxa ay Hoygiisa ku dileen Nabadoon Caan ka ahaa Gobolka Shabeelaha Hoose  gaar ahaan degmada Afgooye ee Gobolkaas.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu Magacaabi Jiray Maxamed Axmed Carabeey oo ku Magac dheeraa Marayare.

Maxamuud Daahir Faarax Qooleey oo ah Agaasimaha Wasaaradda Maaliyadda Koofur Galbeed oo Warbaahinta la soo xariiray ayaa sheegay in falkaan ay geysteen Maleeshiyaad taabacsan Guddoomiyayashii hore ee degmada Afgooye iyo deeganka Lambar 50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose Cabdiqani iyo Waafow.

“ Muddo 3 cisho ka hor aya la soo gudbiyay warbixinta Maleeshiyada ay hor kacayeen raggaas oo laga cabsi qabay in ay weeraraan xarumaha Ganacsiga iyo guryaha shacabka degmada Afgooye sidaas daraadeed feejignaan ayaa laga qabay laakiin caawa waxa ay gurigiisa kala soo baxeen Nabadoon Carabeey Marayare Allaha u naxariistee” sidaas waxaa yiri Maxamuud Daahir Faarax Qooleey.

Ugu dambeyn Qolleey ayaa sheegay in arrintaan looga golleeyahay sidii loo argagax gelin lahaa shacabka in muddo ah ku noolaa Shabeelaha Hoose si ay halkaas uga qaxaan.

Halkan Ka Dhageyso

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay