Baydhabo(INO)- Warar ka saaka ka imaanaya Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegey in Degmadaas saaka ay kacsan tahay isla markaana laga dareemayo Jawiga Colaadeed ka dib markii xalay si yaabo kala duwan xaafadda Dhagaxtuu looga diley 3 Qof oo isku qoys ahaa iyo Nabadoon kale.
Wariye C/qaadir Maxamed oo ku Sugan magaalada Afgooye oo aynu khadka telephone-ka kula xariirney ayaa soo sheegaya in Booliska degmadaas ay doonayaan inay bilaabayaan Baaritaano.
Dilalkaas ayaa la sheegey inay salka ku haayaan aanooyin qabiil, isla markaana gudoomiyihi hore ee degmada Afgooye C/qani yuusuf Axmed ayaa sheegey iyo Maxamuud Dahir Faarax qooley oo ah Agaasimaha Wasaarada maaliyada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa midba mid kale ku eedayey inay ka dambeeyo Dilalka qorsheysan ee lagu diley Qoysas iyo Nabadoon Carabey.
Halkan Ka Dhageyso wareysi
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay