Afgooye ( INO)- Maxamuud Daahir Faarax Qooleey oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa eedayey Guddoomiyihii hore ee Afgooye Cabdiqani Yuusuf Axmed iyo Masuuliyiin kale loogu jeediyay in dilka xaley Nabadoon Carabeey loogu geystay degmadaasi.
Cabdiqadi Yuusuf ayaa arrintaasi waxba kama jiraan ku tilmaamay isagoo u cuskaday in haddii xittaa ay ahaan lahayd aargoos aan loo oran Karin maadaama marka la dilay Nabadoon wax yar kadib hadana dableey hubeysan ay isla degmada dhinaceeda kale ku dileen Wadaad lagu Magacaabi Jiray isaguna Maxamed Teste , Wiilkiisii iyo 2 caruur ah oo Awoowe uu ahaa.
“ taas ayaa ku tusineysa in arrintaan ay tahay kiis aniga iyo Guddoomiye Waafow nala saarinayo ay tahay , beri ayaana ka nahay nagamana suurtowdo in dad shacab ah oo aan waxba galabsan aan iska dilno oo siyaasadeena kama mid ahan, teeda kale Nabadoon Carabeey saaxiib igala shaqeeyay ayuu ahaa dhanka dhimaha waddooyinka Afgooye markii aan waday howlaha maamulka degmada” ayuu yiri Cabdiqani Yuusuf Maxamed.
Mar aan wax ka weydiinay Cabdiqani sababaha loogu eedeeyo mar weliba weerarada dhibaatada ay ka soo gaaraan rayid ee ka dhaca Afgooye iyo nawaaxigeeda ayuu sheegay in dad sumcad xumeynaya ay yihiin waxaana meesha uu ka saaray in uu kula xagliyo beelaha walaalaha ah ee ku dirirsan Shabeelaha Hoose maadaama dhinac lagu eedeeyo in uu u jeen jeero.
Waxaana ugu dambeyn uu shaca ka qaaday in ay jiraan Hanjabaadyo ka dhan ah oo siyaabo kala duwan u soo gaaray sidaas daraadeed meel kasta uu ku nabad helayo ee Gobolka ka mid ah uu gabaadsanayo.
Isagoona Guddoomiyuhu hoosta ka xariiqay in dhibaatooyinka ku foorara shacabka aan waxba galabsan ay jirto gacan 3aad oo hurisa walow uusan carabaabin.
Halkan Ka Dhageyso
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.