Muqdisho(INO)- Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa taageeray Musharaxnimada Xildhibaan C/fitaax Geeseey Wasiirkii hore ee Amniga Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.
Waxa ay sheegeen in ay muhiim tahay in isbadal Siyaasadeed oo dhab ah la helo, lagana shaqeeyo sidii loo badali lahaa Hogaana Baarlamaanka Soomaaliya.
Waxa y sheegeen in Xildhibaanada loogu baahan yahay in aysan lacag raadin oo ay Guddoomiyaha Baarlamaanka ku doortaan Kartida iyo Aqoon.