MuqdMidowga Yurub ayaa sheegay in Soomaaliya uu ka caawin doono tababar la siiyo Ciidamada Dowlada Soomaaliya sanadka 2015 tababarkaasi oo u dhigmi doona kuwii horay loo tabo baray sanadka 2014ka.
Saraakiisha Midoowga Yurub ayaa sheegay in Amaanka Magaalada Muqdisho uu yahay mid halis ah Dowlada Soomaaliyana iminka ay u tababrii doonan Ciidamo gaaraya 12,00 oo ciidan kuwaasi oo dhamaantood loogu tababari doono Magaalada Muqadisho.
Saraakiisha Ciidamada Midowga Yurub ee Tababarayaasha ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa gaaraya 128 Askari waxaa ayna bixiyeen 11 koorso oo ay ku tabo bareen 1,150 askari waxaana maalmaha soo socda la filayaa in ay tababar u soo xeraan 250 Askari.
Saraakiishani ayaa ka dhawaajiyay in ay sanadka soo socda qorsheeynayaan in ay tabobaraan 1,200 oo askari oo Soomaali ah kuwaasi oo Muqdisho lagu siin doono.
Halkan Ka Dhageyso Waxaa Soojeedinaya Xasan Ismaaciil
Idale News Online, Muqdisho