Xildhibaan Cabdi Max’ed Abti-doon ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya inuu mas’uul ka yahay Kala Qeyb-sanaanta Ka dhex-jirta golaha Wasiirada Somalia.Wuxuu sheegay Abti-doon in tan iyo markii ra’iisal wasaaraha isku shaandheynta uu sameeyay ilaa iyo hada kala qeyb-sanaan ka dhex jiro Golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya taasi ay ugu wacan tahay sida uu sheegay hadalkii madaxweynaha uu ku amray in wasiiradii ku dhacay isbadelka shaqadooda sidooda u sii wataan.

Halkan Ka Dhageyso
Xildhibaan Cabdi Max’ed Abti-doon oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in sidan uusan ku shaqeyn Karin ra’iisal wasaare C/wali,maadama uu sheegay in la heysto oo madaxtooyada laga soo abaabulayo kala qeyb-sanaanta xubnaha Golaha Wasiirada xukuumada Soomaaliya,sida uu xildhibaanka hadalka u dhigay.
Idale News Online, Muqdisho