Buul0burde(INO)-Xeer ilaalinta Guud ee qaranka Soomaaliyeed shaaca ka qaaday Xalay in la Xiray Gudoomiyaha Degmada Buula burde Cabdi Casiis Duuroow,Duqa Degmada Buula Burde Cusmaan Geedi iyo Ganacsato degmadaasi kusugnaa kadib markii lagu helay lunsasho ay sameeyeen.
Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliyeed Dr Axmed Cali Daahir ayaa Nasiib daro ku tilmaamay in Xubno sheeganeyey Mas’uuliyiin Dawlada Somaliya ay sameeyaan ku takri fal awoodeed iyo mid hantiyeed xilli dadkii baahnaa ay ku baaba’ayaan hareerahooda.
Waxyaabaha lagu heysto Mas’uuliyiinta la xiray iyo Ganacsatadaba waxay tahay inay musuq maasuqeen Raashin mucaawimo ah oo loogu talo galay shacabka tabaaleysan ee Buula burde markii dembigaasi lagu helayna Xabsiga loo taxaabay.
Maalmahan dambe waxa socday dabagal iyo isla xisaabtan ay ku wadaan Xeer ilaalinta Qaranka iyo Hanti dhowrka Guud ee Dalka Mas’uuliyiinta Dawlada iyo Hay’adaha ay ka shaqeeyaan.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Buuloburde.