Malaaq Cali Cabdiraxmaan Cali shiino oo ah afhayeenka Malaaqyada Shirka Koonfur Galbeed ee Somalia ee magaalada Baydhabo ayaa hoolka shirka ka jeediyey khudbad isugu jirta soo dhaweyn iyo heerarkii uu shirka Baydhabo soo marey, waxuuna sheegay si kalgacal leh ay u soo dhaweynaayaan ergada timid shirka isla markaasna u cadeeyey in shirka Baydhabo waxba aysan ku dhaafin, si siman oo daacadnimo ay ku jirtana uga wada tashan doonaan dhismaha dowlad goboleedka koonfur galbeed Somalia oo gogoshiisu taalo xarunta gobolka Bay magaaladiisa Baydhabo.
Dhageyso Malaaq Shiino oo khudbad dheer halkaas ka jeediyey [audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2013/11/Malaaq-Cali-Cabdi-raxmaan-Shiino.mp3]
Malaaq shiino ayaa eedeyn kulul dusha uga tuuray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxameuud, isagoo ku tilmaamey inuu yahay nin labo wajiile ah, tagistiisa Kismaayana ku tilmaamey in dano siyaasadeed uu doonaayo inuu ku gaaro balse iyagu aysan kaseyn dhul magacyo cusub loo baxshey, alto Jubba iyo Bassa Jubba labaduba la wada garanaayo cida weligeed laheyd oo aayooda ka talin jirtey.
Idale News Online Baydhabo