Malaaq Deeroow Cali oo ka mid ah duubabka dhaqankaiyo waxgaradka beelaha koonfur galbeed Somalia ee haatan shirka uga socda magaalada Baydhabo ee gobalka Bay kaasoo la doonaayo in lagu dhiso dowlad goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya oo ka kooban lix gobol oo kala ah Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Shabeelaha Hoose, Bay, Bakool iyo Gedo ayaa sheegay in shirka Jubooyinka ee ka furmay magaalada Muqdisho uu yahay dooc faruur uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud rabo inuu himilo iyo dano gaar ah oo siyaasadeed ku gaari isagoo hareer marsan nidaanka federaalka dalka iyo xaqa dadka deegaamadaasi u dhashey u leeyihiin in aayahooda ka tashtaan
Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay aad ugu deg degtay shirkaasi, waxaana uu tilmaamay in ka wax garad ahaan aysan iyagu raali ka ahayn.
RIIX HALKAAN OO DHAGEEYSO HADALKA MALAAQA [audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2013/11/MalaaqDeerow.mp3]
Dhanka kale waxa uu sheegay in Beesha Digil iyo Mirifle ay isku mowqif ka yihiin arinkaan, islamarkaana cidii ka qeybgashaa aanay beeshu matalin.
Idale News Online