Dhageyso: Madxweynaha KGS Oo Ka Hadley Dhibaatada Al Shabaab Ku Hayso Maamulkiisa

0
169

Muqdisho(INO)- Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa wuxuu ka hadlay Dagaalada ka socda Deegaanada Koonfur Galbeed gaar ahaan Dagaalka Degmada Tiyeeglow.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in loo baahan yahay Shabaab in hal meel looga soo wada jeesto, si looga guuleysto, loogana saaro Deegaanada ay ka joogaan Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhanka kale Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Dhalinyarada ku jirta Shabaab ugu baaqay in ay ka soo baxaan, si Dowladda Soomaaliya ay cafis guud ugu fidiso.

Ugu dambeyntii, Hadalkan ayuu ka sheegay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan xilli uu ka qeyb galayay xaflad xalay ka dhacday Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya, taas oo loogu dabaal degayay sanad guuradii labaad ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso