Baydhabo(INO)-Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee Dalka Soomaaliya ka jira ayaa dadka ay ku dhacdo waxaa ugu horeeya dhalinyarada haddii ay ahaan lahayd dagaalada ay ku dhibanayaan iyo tahriibka ay ku dhamaanayaan.
Hadaba Munaasabad Baalaran oo loogu hadlayey wacyi gelinta Bulshadda in ay ka dheeradan Arimaha tahriibka oo mudo ku siman hal bil ka socday Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa lagu soo gaba gabeeyey. waxaana ka qiib Galey Mas’uuliyin ka tirsan KGS iyo Bulshada Riyadka Ee Magaalada.
Munaasabadan ayaa waxa soo Agaasimey Hay’adaha DRC iyo UNHCR,Isla markaana Waxa lagu soo bandhigey Heeso iyo riwaayado kala duwan oo lagu wacyi-galinayey Bulshada.
Munaasabada ayaa soo jiidatay dad badan oo aad u danaynayay moowduuca tahriibka oo ah kan walwalka Dhalanyarada ugu badan laga qabo Guud ahaan Soomaaliya.
Wasiir Ku xigeenka Wasaarada qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Xaaji oo ka hadlay goobta ayaa waxaa uu sheegay in tahriibta ay tahay khatar iyo masiibo sii baahaysa waxaana uu xusay in loo baahanyahay in si wadajir ah wax looga qabto.
Ugu dambeyntii, Sanad kasta boqolaal dhalinyaro ah ayaa badaha ku hafta, kuwa kale ayaa saxara haraad ugu dhinta, kuwa kale xabsiyo muddo dhaadheer galaan, iyaga oo dhanka kale dalkii hooyo ka qaata kheeyraadka aadamiga ah oo aad loogu baahanyahay.
Halkan Ka Daawo Sawiro
Wariye Cali Ilyaas C/laahi , Idale News Online, Baydhabo